• 30+

    Jobs Posted

  • 50+

    Active Workers

  • Date:

    06 Janaury, 2023

U yeerid Codsiyada Fursado Tababarro iyo Maalgelinta Ganacsiyo yaryar

Mashruuca UPSHIFT waa mid fursad u siinaya dhalinyarada in ay helaan taageero si ay u noqdaan awood samaysa isbadal togan bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaan, isaga oo abuuraya suuq shaqo oo furan, dhaqaale xasiloon, maamul wanaag iyo bulsho dhiirran. Waxa uu ku hagayaa dhallinyarada horumar iyadoo loo marayo hirgelinta hal abuurradooda. Ujeedka oo ah in dhlainyarada tayadooda kor loo qaado si ay u qeexaan caqabadaha ka dhex jira bulshadooda uguna xalliyaan hal-abuurradooda.


Baaxadda Mashruuca

UPSHIFT waxa uu waqti xaadirkan fursad siinayaa Dhallinyarada Puntland gaar ahaan ku nool Garowe iyo Bosaso ee ka kooban qaybaha soo socda:-

  1. Waa in codsigu ka socdaa group ka kooban 6 ilaa 7 qof.
  2. Waa in xubnaha groupku aanay da’doodu ka yarayn 15 kana weynayn 24
  3. Waa in dhamaan xubnaha groupku ay ku noolyihiin Garowe ama Bosaso si joogto ah.
  4. Waa in ay ka yimaadeen qaybaha bulshada ee kor ku xusan.
  5. Haddii uu group guulaysto Waa in xubin walba oo groupka ka mid ah ay la timaaddaa dammiin
  6. Waa in groupka ama xubin ka mid ah groupka aanu horay uga soo faa’iideysan UPSHIFT.
  7. Waa in codsigu ku dhisanyahay hal’abuur ganacsi oo xal u ah caqabada soo socda:-
    • Isbeddelka Cimilada
    • Cunto yarida
    • Caafimaadka
    • Nafaqada
    • Dhisidda aqoonta,khibradda ama xirfadda dumarka ee tiknoolojiyadda,sayniska ama xisaabta.

Hoos waxaa ah lifaaqa hagaha codsadaha, kaasoo groupka u sahlaya in ay soo gudbyaan codsigooda iyagoo raacaya habraaca arjiga.

Arjiyada oo dhammaystiran si taxaddar lehna loo soo buuxiyay waxaa lagu soo hagaajinayaa Emails-ka hvupshift@gmail.com inta ka horraysa 20th January 2023. Waxaa lala soo xiriiri doonaa codsiyada ugu macquulsan.


Fadlan Lasoo Dag Form-ka.

UPSHIFT-Application-Form.doc

Follow Us More!


Any Questions, Please Leave a Message!