U Yeerid Codsiyada Fursado Tababarro Iyo Maalgelinta Ganacsiyo Yaryar

Mashruuca UPSHIFT, oo ay iska kaashanayaan UNICEF, Horn Vision, iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland waa mid fursad u siinaya dhalinyarada in ay helaan taageero si ay u noqdaan awood samaysa isbeddel togan, bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaan, isaga oo ka qayb qaadanaya abuurista suuq shaqo oo furan, dhaqaale xasiloon, maamul wanaag iyo bulsho dhiirran. Waxa uu ku hagayaa dhallinyarada horumarka iyadoo loo marayo hirgelinta hal abuurradooda. Ujeedka oo ah in dhalinyarada tayadooda kor loo qaado si ay u qeexaan caqabadaha ka dhex jira bulshadooda uguna xalliyaan hal-abuurradooda.

Baaxadda Mashruuca:

UPSHIFT waxa uu waqti xaadirkan fursad siinayaa Dhallinyarada Puntland gaar ahaan kuwa ku nool Garowe iyo Qardho ee ka kooban qaybaha soo socda:-

  1. Dhallinyarada u nugul tacaddiyada jinsiga ah
  2. Dhallinyarada ay saamaysay askarayntu
  3. Dhallinyarada barakacayaasha ah
  4. Dhallinyarada ka yimid qoysaska nugul
  5. Dhallinyarada qaba baahiyaha gaarka ah
  6. Dhallinyarada ka hartay waxbarashada
  7. Dhallinyarada ka soo laabatay tahriibta iyo kuwa u nugul
  8. Dhallinyarada haysa fikir ay kaga jawaabayaan cabaqabadaha bulsho ama deegaan

Shuruudaha Codsiga:

  1. Waa in codsigu ka socdaa group ka kooban 5 ilaa 6 qof
  2. Waa in xubnaha groupku aanay da’doodu ka yarayn 15 kana weynayn 24
  3. Waa in dhamaan xubnaha groupku ay ku noolyihiin Garowe ama Qardho si joogto ah
  4. Waa in ay ka yimaadeen qaybaha bulshada ee kor ku xusan
  5. Waa in groupka ama xubin ka mid ah groupka aanu horay uga soo faa’iideysan UPSHIFT
  6. Waa in codsigu ku dhisanyahay hal’abuur ganacsi oo xal u ah caqabada soo socda:
    1. Isbeddelka Cimilada
    2. Cunto yarida (Wax soosaarka Cuntada)
    3. Caafimaadka
    4. Nafaqada
    5. Dhisidda aqoonta, khibradda ama xirfadda dumarka ee tiknoolojiyadda, sayniska ama xisaabta

Hoos waxaa ah lifaaqa hagaha codsadaha, kaasoo groupka u sahlaya in ay soo gudbyaan codsigooda iyagoo raacaya habraaca arjiga.

Arjiyada oo dhammaystiran si taxaddar lehna loo soo buuxiyey waxaa la gudbin karaa inta ka horraysa 5th June 2025. Waxaa lala soo xiriiri doonaa codsiyada ugu macquulsan.

Fill Out the Form Go to Main Website